Nin Hubaysan oo dhaqtar iyo boolis ku dilay magaalada Chicago ee Mareykanka

HomeWararka

Nin Hubaysan oo dhaqtar iyo boolis ku dilay magaalada Chicago ee Mareykanka

Afar qof ayaa ku geeriyooday toogasho uu nin hubaysan uu ka gaystay isbitaalka magaalada Chicago ee Mareykanka, laba ka mid ah dadka geeriyooday ayaa

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Baran (dhegayso)
Madaxweyne Laftagareen oo kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qabanqaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran ( Akhriso)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Afar qof ayaa ku geeriyooday toogasho uu nin hubaysan uu ka gaystay isbitaalka magaalada Chicago ee Mareykanka, laba ka mid ah dadka geeriyooday ayaa ah haween shaqaalle ka ahaa isbitaalka, sarkaal boolis iyo qofka weerarka gaystay.

Labada ruux ee dumarka ah ayaa ahaa dhaqtar iyo kaaliye farmashiyeeste ah , sida uu xaqiijiyay duqa magaalada Chicago Rahm Emanuel .

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay ninka hubaysan inuu ku geeriyooday rasaas la iswaydaarsaday, balse majirto cadaymo arrintaasi muujinaysa.

Saraakiisha ayaa sheegay ninka hubaysan inuu u muuqday mid bartilmaameedkiisu ahaa gabar uu horay xiriir uu ula lahaa, balse majirto wax xog dheeraad ah oo arrintaasi kusaabsan.

“Waxaa geeriyooday dhaqtar, caawiye farmashiyeeste iyo sarkaal boolis, oo dhamaantood shaqo maalmeedkooda ku jiray, waxa ayna  hayeen shaqo ay ku faraxsanaayeen” ayuu yiri Rahm Emanuel .

Waxaa uu ku tilmaamay mid siwayn ay uga tiiraanyoodeen shacabka magaalada Chicago oo ah dhaqan shaydaan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: