HomeUncategorized

Dadka ku dhintay weeraradii shalay ee magaalada Beledweyne oo gaaray 27 ruux oo shacab ku jiro

Beledweyne, November 20, 2013 - 27 ruux oo u badan shacab iyo ciidamada saldhiga beledweyne ayaa dhintay kadib qaraxii saldhiga iyo weerarkii tooska ahaa ee ka dhacay magaalada barqadii shalay, wararka.

Hay’adda Shaqalaha rayidka ah oo qaaday imtixaamka Madax-qaybeedyadii Shaqada iyo Shaqalaha
RW Saacid oo maanta 10 Wasiir horgaynaya Baarlamaanka
Dagaalkii Garbahaarey oo istaagay, mid ka mid saraakiisha ciidanka dawladda ee aagaasi oo Daljir u warramay.

Beledweyne, November 20, 2013 – 27 ruux oo u badan shacab iyo ciidamada saldhiga beledweyne ayaa dhintay kadib qaraxii saldhiga iyo weerarkii tooska ahaa ee ka dhacay magaalada barqadii shalay, wararka la xiriira khasaaraha ee ay helayso daljir ayaa isa soo taraya.

11 ka mid ah dadka dhintay waa ciidan, 10 waa kooxdii weerarka soo qaaday halka 7-da ruux oo kale ay yihiin dad shacab ah oo ka agdhowaa saldhiga, qaarkood ayaa naloo sheegay rayidka dhintay inay saldhiga u joogeen kiisas ka yaalay.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarka, sidoo kale madaxda dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareeyey qaraxa ka dhacay magaalada Beledweyne ee xaruuna gobolka Hiiraan.

Bishii ina dhaaftay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne waxaa ku dhinay 16 ruux, weerarka oo ahaa mid lala eegtay goob lagu nasto waxaa masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Ciidamada howl-galka AMISOM ku jira ee Jabuuti iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku sugan Beledweyne, waxaana deegaanada ku dhow jooga ciidamada ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: