Nabadoon Masaajid kasoo baxay oo la dilay

HomeWararka

Nabadoon Masaajid kasoo baxay oo la dilay

Kooxo hubaysan ayaa gudaha magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay Allaha ha u naxariistee nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley oo ka mid a

Dowladda Federaalka oo sheegtay in la dilay saraakil ka tirsan Alshabaab
Xildhibaan Fiqi: “Dalka wuxuu galay Xaalad Halis ah masuuliyadeedana Farmaajo ayaa leh”Waraysi
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garowe (dhegayso)

Kooxo hubaysan ayaa gudaha magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay Allaha ha u naxariistee nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee magaalada Baladwayne.

Dilka nabadoonka ayaa ka dhacay xaafadda Howlwadaag xilli uu kasoo baxay masaajid ku yaala xaafadaasi, sida goob joogayaal ay sheegeen.

Nabadoonka la dilay waxaa uu ka mid ahaa odayaasha ugu firfircoon ee magaalada Baladwayne, lama oga sababta dilkiisa.

Hase ahaatee Soomaaaliya ayaa waxaa inta badan lagu dilay dadka birimagadeeda sida nabaadoonada iyo dadka kalle ee indhaha u ah bulshada, kuwaasi oo qaarkood lala xiriiriyo kooxaha dowladda dagaalka kula jira.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: