Guddoomiyaha shirkadda Isxilqaan Khaliif Aw Cali oo niyad-sami ka muujiyey ebyoomiydda laamiga Jalam iyo Xarfo ( dhegayso)

HomeWararka

Guddoomiyaha shirkadda Isxilqaan Khaliif Aw Cali oo niyad-sami ka muujiyey ebyoomiydda laamiga Jalam iyo Xarfo ( dhegayso)

Xilli uu jiro shaki-qab la xiriira hirgalka mashruuca dhisme ee jidka laamiga ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Jalam iyo Xarfo, ayaa maamulka shirkadda

Guddoomiyaha Degmadda Burtinle oo ka hadlay Colaad kusoo la laabatay gobalka Nugaal (dhegayso)
Qardho: Maanka Dadwaynaha iyo Mikroofanka Daljir (dhegayso)
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay saraakil katirsan Alshabaab

Xilli uu jiro shaki-qab la xiriira hirgalka mashruuca dhisme ee jidka laamiga ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Jalam iyo Xarfo, ayaa maamulka shirkadda gacanta ku haysa fulinta dhismahaasi laamiga ah ee Isxilqaan waxay niyad-sami ballaaran  ay ka muujiyey suuragalnimada hirgalka mashruucaasi.

 

Guddoomiyaha shirkaddaasi Isxilqaan Khaliif Aw Cali oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir, ayaa sheegay qayb ahaan jidkaasi in lagu ebyey laamigii, kadibna loo fasaxay gaadiidku in ay maraan si loo hubiyo tayadiisa inta aan la dhammaystirin wajiga koowaad oo ahaa in laamiga la saaro qiyaas dhan 40KM.

 

Dhinaca kale Khaliif Aw Cali, wuxuu Daljir u sheegay in is afagarad laga gaaray kala maanduwananatii ka jirtay maalgeliyayaasha mashruucaasi oo ahaa midawga Yurub iyo hawl-fuliyayaashii maxalliga ahaa, dibna loo fasaxayo dhaqaalihii mashruucaasi, isla markaana hay’ad kale lagu baddelay booskii ay bannaysay hay’addii Jarmalka ahayd ee GIZ.

Hadalka Khaliif Aw Cali ayaa imaanaya xilli ay isi sii taraysay rajo xumada laga qabo hirgalka mashruucaasi lagu dhisayey jidka laamiga ah ee u dhaxeeya Jalam iyo Xarfo.

Dhegayso.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: