Trump iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda oo sheegay inay ciqaabayaan dadkii ka dambeeyey dilkii wariye Jamaal

HomeWararka

Trump iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda oo sheegay inay ciqaabayaan dadkii ka dambeeyey dilkii wariye Jamaal

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay dowladdiisa inay u ciqaabi doonto dadkii ku lug lahaa dilka wariyaha Sacuudiga ee lagu dilay qunsuli

Isimada Puntland oo ka tacsiyeyay dilka Suldaan Xasan iyo Askarigii dilka gaystay oo Xabsiga ladhigay (dhegayso )
Mareykanka oo lacag Dhan 700 Milyan ugu deeqay wax ka qabashada Abaarta kajirta Guud ahaan Soomaaliya.
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, dhuusamareeb (dhegayso)

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay dowladdiisa inay u ciqaabi doonto dadkii ku lug lahaa dilka wariyaha Sacuudiga ee lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istambuul, iyadoo caalamka si wayn uu uga argagaxay dilkaasi.

Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudiga ee dilka inuu yahay qarintii ugu xumayd ee abid, waxaana uu sheegay shaqsi walba oo ku lug yeesha in ciqaab uu wajihi doono.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay Mareykanka inuu ciqaabi doono dadka kulugta leh dilka, waxaana uu xusay inay sharciga kala laaban doonaan 21 ruux oo laga mamnuucay inay dalka Mareykanka u safraan.

Mareykanka ayaa waxaa saaran cadaadis ah sidii uu u dabcin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Sacuudi Carabiya oo ay isbahaysi yihiin.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: