HomeUncategorized

Axmed Baasto ?Boolis ayaa ka hortegaya dilalka Aanada ku salaysan ee reer miyiga Galmudug?

Galkacayo, September 15, 2013 - Maamulka Galmudug ayaa shaaciyey in ay ka hortegayaan dilalka dhanka qabaa?ilka ah ee ka dhacaya deeganada maamulka, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee gobolka Mudug.

?Annagaa dalbanay Ciidanka oo waliba lugahayaga ugu tagnay madaxweynaha Puntland, annagoo u sheegnay Mudug inay ciidamo u baahan-tahay? Duqa Gaalkacyo Siciid.
Ahlu Sunna oo sheegay in ay la wareegeen degmada Ceeldheer. [Akhris …]
Taliyaha ciidanka bilayska ee gobolka Mudug oo aan ka waraysanay nin loo qabtay qunbulad hore loogu tuuray D/Hoose ee Galkacyo.

Galkacayo, September 15, 2013 – Maamulka Galmudug ayaa shaaciyey in ay ka hortegayaan dilalka dhanka qabaa?ilka ah ee ka dhacaya deeganada maamulka, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee gobolka Mudug oo ah halka ay ka taliso Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha io amniga Galmudug Axmed Baasto oo la hadlay warbaahinta maamulkaas, wuxuu sheegay in ay dar-dar gelin doonaan adkaynta amniga deeganaada iyo in laga hortago khatarta ka timaada dilalka beelaha.

? Ciidamo boolis ah ayaan geyn doonaa deeganada ay ka dhacaan dilalka qabaa?ilka ee gobolka, waa arin soo noq noqota oo nasiib daro ah? ayuu yiri Axmed Baasto.

Maamulada degmooyinka Galmudug iyo wasaarada arrimaha gudaha ee maamulkaas ayaa heshiis ku gaaray in laga wada-shaqeeyo amniga guud iyo in laga hortago khatar kasta, waxaa in badan la gorfeeyey aanooyin qabiil oo ka dhexeeya beelaha gobolka Mudug.

Dadka reer miyiga ah ee gobolka ayaa inta badan waxaa dhexmara dagaal beeleed, kaas oo ka dhasha daaqsin iyo ceelal kuwa biyaha ah, mararka qaar dilalka ayaa ah kuwa xasuuq ku jiro oo lagu laayo caruurta iyo dumarka sida dhowr jeer oo hore dhacday.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: