AMISOM oo 100 boolis ah geynaysa gobolka Hiiraan kuwaas oo ku biiraya howgalka nabad illaalinta

Beledweyne, September 14, 2013 – Howgalka nabad illaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilaabay baahinta ciidamo boolis ah oo la gaarsiinayo qaar ka mid ah gobollada ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, saraakiishii ugu horeeyey ayaa la geeyey Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan waxaa maanta booqday 12 saraakiil boolis ah oo ka tirsan howl-galka AMISOM, madaxa booliska AMISOM ee gobolka Hiiraan Theophilus Senese ayaa la kulmay maamulka degmada iyo kuwa gobolka Hiiraan.

Theophlius Senese wuxuu sheegay in ciidanka AMISOM ee booliska ah ay kala shaqeyn doonaan ciidamada booliska dowladda sidii loo sugi lahaa amniga guud ee gobolka iyo kan degmada, waxaana dhowaan tegi doona Beledweyne 100 Askari oo boolis AMISOM ah.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa soo dhoweeyey qorshaha AMISOM ay ciidanka booliska ah ku geynayaan gobolka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com