Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya “Taageeradeena Sacuudiga ma’ahan dilka wariyaha”

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya “Taageeradeena Sacuudiga ma’ahan dilka wariyaha”

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay dowladda faderaalka inay ku taageerin Sacuudiga dilka wariy

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka sare
Guddigii loo xilsaaray colaadii Iskushuban oo kala qaaday Maleyshiyaadkii dagaalamay (daawo)
Guddoomiyaha maxkamadda C.Q. “Sababaha amaan darida Muqdisho waa ciidamadii oo aan loo dirin howlgal iyo …” (dhegayso)

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay dowladda faderaalka inay ku taageerin Sacuudiga dilka wariyaha u dhashay dalkaasi ee lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay garab istaagga Soomaaliya ee Sacuudiga inay jawaab u tahay hanjabaado Sacuudiga uga imaanaya dowlado kalle oo waawayn, balse Soomaaliya oo ay xiriir iyo xubinimada Jaamacadda Carabta uu ka dhaxeeyo uu mowqifkeedu yahay Sacuudiga inay taageeraan, hanjabadaaha uga imaanaya dowlado waawaayn.

Wasiirka oo la waydiiyay maadaama Sacuudiga hanjabaadda xiligaan uu wajahayo uu la xiriiro wariyaha lagu dilay qunsuliyaddiisa magaalada Istambuul ee Turkiga iyo inay Soomaaliya ku taageerayso xad gudubkaasi ayaa sheegay in falkaasi uu la xiriirin taageeradooda oo ay tahay arrin diblumaasiyadeed.

Soomaaliya oo horay looga bartay inuu ku jahwareerto siyaasadaha isdiidin iyo hardanka ka dhaxeeya dowlado saamayn ku leh siyaasadeeda gudaha ayaa dad badani u arkayaan inay kala garan la’dahay Soomaaliya saaxiibkeeda dhabka ah iyo kan aan daacadda u ahayn.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: