Wacaal Daray ah: Sacuudiga oo mar dhow qiraya in Jamaal Khashoggi la dilay

HomeWararka

Wacaal Daray ah: Sacuudiga oo mar dhow qiraya in Jamaal Khashoggi la dilay

Warar cusub oo hadda ka soo baxay saraakiil sarsare oo Sucuudiga ayaa sheegaya in lagu mashquulsanyahay diyaarinta warbixin dowladda Sucuudiga ay ku q

Abwaan Cabdi Khayr Xasan oo tix gabay ah ku ammaanay Puntland iyo Khaatumo
Michael Keating oo Rajo Wanaagsan ka muujiyaay Amniga Dalka
Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)

Warar cusub oo hadda ka soo baxay saraakiil sarsare oo Sucuudiga ayaa sheegaya in lagu mashquulsanyahay diyaarinta warbixin dowladda Sucuudiga ay ku qirayso in Jamaal Khashoggi uu u dhintay si kama ah oo aan ulakac ahayn, una dhintay waraysi xumaaday oo ay qaadayeen 15 sarkaal oo Sucuudiga laga soo diray. Wararkaan ayaa waxaa hadda shaaciyey warbaahinta Reuters iyo CNN.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weli ay socota diyaarinta warbixinta si loo helo oggolaanshaha Boqortooyada, siiba Amiir Maxamed bin Salmaan.

Sucuudiga ayaa lagu hayaa cadaadis adag, lagana sugayaa in ay ka warbixiyaan xaalka Jamaal Khashoggi oo sidii uu 2dii Aktoobar u galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul aan weli ka soo bixin.

Dowladda Sucuudiga ayaa horey u inkirtay in ay dileen Jamaal Khashoggi, kuna adkaystay in Jamaal uu qunsuliyadda soo galay, wax yar kabacdina ka baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa garabistaagtay Sucuudiga, kuna tilmaantay dilka Jamaal Khashoggi mid aan waxba ka jirin oo looga beenabuurtay Boqortooyada Sucuudiga. Sucuudiga oo qirta dilka Jamaal Khashoggi waxa ay fadeexad cusub ku noqonaysaa xukumadda Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa Sucuudiga saartay cadaadis adag, sheegtayna in ay hayso caddaymo ka kooban maqal iyo muuqaal, muujinayana in Jamaal Khashoggi si waxuushnimo ah loo jirdilay, nafta laga qaaday, dabadeedna jirkiisa la jarjaray, oo dalka laga saaray. Warar kale ayaa ayana sheegay in Jamaal jirkiisa la shiiday oo lagu aasay beerta quriga qunsulka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: