Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle (Sawiro)

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dha

Ciidanka beesha Ugaar Saleebaan oo saaka ka soo kicitimay Kalabayr, kuna sii jeedaa Laascaanoood.
Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya
Shacabka Garoowe,”Puntland Danteeda Gorgortan Cidna Kula Gelimayso” (dhegayso)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: