Wacaal  daray ah: Askari katirsan ciidamada Booliska ee gobolka bari oo Bosaaso lagu dilay

HomeWararka

Wacaal daray ah: Askari katirsan ciidamada Booliska ee gobolka bari oo Bosaaso lagu dilay

Koox baaskoolado ku hubaysnayd  ayaa maanta suuqa wayn ee magaalada Bosaaso waxa ay ku toog teen Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda hoose ee degmad

MUQDISHO: Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigan ragg dilaal.
Caawa & Daljir iyo Wariye Khadar Cawl Ismaaciil
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)

Koox baaskoolado ku hubaysnayd  ayaa maanta suuqa wayn ee magaalada Bosaaso waxa ay ku toog teen Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda hoose ee degmada Bosaaso.

Askarigan ayaa la dilay xili uu goob ganacsi ka qaadayay canshuurta dowladda hoose.

 

Kooxdii dilka gaysatay ayaa durbadiiba goobta ka baxsatay , waxaana halkii lagu dilay Askarigan soo gaaray xili dambe ciidamada amniga.

Dadkii suuqan ka adeeganayay iyo ganacsatada suuqa ayaa waxa ay soo wajahday cabsi xoogan ,waxaana hakad galay ganacsigii suuqa .

Magaalada Bosaaso ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay dilal isxig xigay oo loo gaystay dad isgu jira Ganacsato , Arday, iyo saraakiil ciidan.

Majirto cid sheegatay dilka Askarigan ,dowladduna ilaa iyo hada kama aysan hadlin .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: