DP World iyo maamulka Soomaaliland oo kala saxiixday heshiiskii balaarinta dhismaha Dekeda Berbera (Sawiro)

DP World  iyo maamulka  Soomaaliland oo kala saxiixday heshiiskii balaarinta dhismaha Dekeda Berbera  (Sawiro)

Magaalada Hargaisa waxaa maanta heshiis ku kala saxiixday  shirkada DP world iyo maamulka lamagac baxay Soomaaliland ee sheegta in Soomaaliya inteeda kale uu ka go,ay .

Heshiiskan ayaa ahaa bilowga  balaarinta  dhismaha dekeda Ber bera oo 2sano kahor Soomalailand ay la saxiixatay Shirkada DP World .

Heshiiskan ayaa dhanka Soomalailand waxaa u saxiixay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi ,halka Shirkada DP Worldna uu saxiixay Suldaan Axmed Binu Saleebaan oo ah gudoomiyaha guud ee Shirkada DP World.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi  oo Qudbad ka jeediyay munaasibada  ayaa sheegay in maanta Soomaaliland ay utahay maalin thaariihi ah ,Dekeda Berberana ay tusaale unoqon doonto tartanka ka socoda geeska Afrika.

Muuse Biixi ayaa dowladda Fadaraalka  Soomalaiya waxa uu ku eedeeyay in horumarka Soomaaliland ay hortaanagn tahay mar walba  ,balse taasi aysan dhag iyo jalaq usiin doonin Soomaaliland.

Baarlamaanka dalka Soomalaiya ayaa horay usheegay in heshiiska dekeda Berbera ee Shirkada  DP World uu yahay mid sharci daro ah.

Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com