HomeUncategorized

Doctors World-wide oo kordhinaysa adeegyada caafimaadka ee ay siiso Soomaaliya xili ay MSF baxday

Ankara, August 2013 - Hay?ada dhaqaatiirta Caalamiga ah ee la yiraahdo Doctors Worldwide ayaa sheegtay in ay sii dar-dar gelin doonaan howlaha caafimaadka ee ka wadaan dalka Soomaaliya, xili dhowaan ay dalka ka baxday Hay?ada MSF.

Barlamaanka Soomaaliya oo doortay gudoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2aad.
Galkacyo oo loo samaynayo 600 oo ciidan gaar ah oo qaabilsan adkaynta amniga.
?Col. Xasaasi, taliyaha ciidanka bilayska ee Mudug oo aan ka waraysanay weerarkii culimada ee Galkacyo.

Ankara, August 2013 – Hay?ada dhaqaatiirta Caalamiga ah ee la yiraahdo Doctors Worldwide ayaa sheegtay in ay sii dar-dar gelin doonaan howlaha caafimaadka ee ka wadaan dalka Soomaaliya, xili dhowaan ay dalka ka baxday Hay?ada MSF.

Madaxa hay?ada Doctors World-wide ee dalka Turkiga Dr Kerem Kinik, wuxuu sheegay in ay Soomaaliya ka hayaan howlo badan oo caafimaad isla markaasna ay sii wadi doonaan, xili ay jirto cabsi ay qabaan qaar ka mid ah hay?adaha Gar-gaarka.

Dr. Karem Kinik. wuxuu xusay in ay jiraan adeegyo horumarin iyo taageero ah oo ay siiyaan goobaha caafimaadka ee dalka, taas oo qeyb weyn ka ah howlaha daryeelka caafimaad ee ay u hayaan bulshada Soomaalida.

? Annaga howsheena saameyn ku yeelan doonaan howlaha amni ee ka jira Soomaaliya, waa taas tan aan hakin doonin howsheena dalka Soomaaliya ee u shaqeynta bulshada ee dhanka caafimaadka? ayuu yiri Dr. Kerem Kinik.

Madaxa hay?ada ee dhanka dalka Turkiga, wuxuu xusay in Soomaaliya ay u direen howl-wadeeno ka shaqeeya caafimaadka, ?kadib markii weerar lagu qaaday qunsuliyada Turkiga ee Muqdisho, wuxuu intaas ku daray in ay dalka ka dhiseen Cisbital weyn oo ay ku baxayso ilaa 1 Million oo Dollar.

Arrinta la xiriirta shaqada Doctors World-wide ee Soomaaliya ayaa imanaysa xili MSF ay joojisay howlihii ay ka waday Soomaaliya,? shaqada Hay?ada waxaa u darsaday shacab badan oo Soomaaliyeed oo ka heli jiray adeegyo lacag la?aan ah, sidoo kale MSF waxay gacanta ku haysay xaruumo caafimaad oo ku yaala dalka.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: