HomeUncategorized

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax maanta ka dhacay Kismaayo iyo baaritaano hadda ka socda halkaas

Kismaayo, August 16, 2013 - Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada hoose, waxay sheegayaan in ay halkaasi ku dhinteen labba qof oo rayid ah, kadib qarax ka dhacay xerada farjano.

Idaacadaha Galkacyo oo ka dooday baahinta barnaamijyo khuseeya nabadda.
M/wayne Faroole oo cambaareeyay weerarka Soomaliland ay kusoo qaaday Buuhoodle,isagoona qaswadayaal ku tilmaamay maamulka Khaatumo.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.

Kismaayo, August 16, 2013 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada hoose, waxay sheegayaan in ay halkaasi ku dhinteen labba qof oo rayid ah, kadib qarax ka dhacay xerada farjano ee magaaladaas.

Labbada qof ee geeryooday oo rayid ahaa ayaa la socday gaari nooca Toyotada loo yaqaano ah, waxaana la qaraxday miinada baabuurka ay saarnaayeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in labbada qof uu jirkooda goo?go?ay, dad goob joogayaal ah oo aan magacooda shaacin ayaa sidaasi war-baahinta u sheegay.

Ciidamada Jubbaland ayaa gaaray goobta iyagoo durba bilaabay howgalo ay dadku qab-qabanayaan, waxayna baadi goob ugu jiraan dadkii ka dambeeyey miinadaasi dhulka lagu aasay ee rayidka waxyeelaysay.

Kismaayo waxaa ka socday toddobaadyadii tegey howgalo baaritaano ah oo ay wadaan ciidamada maamulka Jubbaland ee Kismaayo, waxayna daba socdeen howgaladu kadib qaraxyo is xig xigay oo halkaas ka dhacay.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: