HomeUncategorized

DF Oo guddi kormeer ah u dirtay Galguduud iyo maamulka cabudwaaq oo la kulmay (Dhegeyso)

Cabud-waaq, July 25, 2013 - Magaalada Caabudwaaq ee galbeedka gobolka Galguduud waxaa gaaray wefdi ka socda Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo qiimeyn ku samaynaya gobolka, kuwaasi oo kulamo la qadaanaya.

Gobolka Sool oo galabta ka badiyey Nugaal, kana reebay tatranka ciyaaraha Puntland.
AKHRI-Puntland oo soobandhigtay dadkii maleegey weerarkii Galkacyo.
NATO oo ciidammo iyo maraakiib hor leh u soo diraya badda Somaliya. [Akhris …]

Cabud-waaq, July 25, 2013 – Magaalada Caabudwaaq ee galbeedka gobolka Galguduud waxaa gaaray wefdi ka socda Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo qiimeyn ku samaynaya gobolka, kuwaasi oo kulamo la qadaanaya masuuliyiinta maamulka iyo qaar ka mid ah waxgaradka.

Kulamada masuuliyiinta kormeerka iyo kuwa dowladda ee jooga Cabudwaaq ayaa bilowday habeenimadii xalayto ahayd, iyadoo laga wada hadlay xaalada magaalada iyo howlaha dowlada sida ay halkaasi uga socdaan iyo arimo kale.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Caabduwaaq Cabdirisaaq Calijaamac (Gacal) oo u waramay Radio Daljir ayaa ka war-bixiyey kulamadii ay xalay la qaateen masuuliyada kormeerka ah ee ka yimid Muqdisho, wuxuu sheegay in maamulka degmadu ay gudbiyeen war-bixino la xiriira howlaha dowladda ee degmada.

Xubnaha ka socda Dowladda Federaalka ayaa isugu jira masuuliyiin ka howgala wasaaradaha kala gedisan dowladda federaalka ah, waxaana ay booqashadooda ku sii baahin doonaan qeybo kale oo ka mid ah gobolka oo ay ka taliso dowladda dhexe.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso Jaamac Cabdiraxmaan oo waraystay Mudane Cabdirisaaq Gacal

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: