Khilaafkii Galmudug oo cirka isku shareeray & Mooshin laga keenay Carabey (Sawiro)

HomeWararka

Khilaafkii Galmudug oo cirka isku shareeray & Mooshin laga keenay Carabey (Sawiro)

Iyado uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhaxeeya Maamulka Galmudug ayaa waxaa haddaba maanta waxaa ku shiray magaaladda Cadaado e Xarunta Galmudug Xildh

Maxkamada sare ee dalka Spain oo xukun riday……
AFKAARTA SHACABKA BOSAASO & Dadaalka Issimadda SSC-khaatumo ee Xaladda Garoowe
Dil Garsoor: Askari waa Dhintay qof Shacab ahna waa Dhaawac

Iyado uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhaxeeya Maamulka Galmudug ayaa waxaa haddaba maanta waxaa ku shiray magaaladda Cadaado e Xarunta Galmudug Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug kuwaas oo soo gudbiyeey Mooshin kadhan ah Maaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey.

97 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay ku eedeeyeen in uu burburinaayo maamulka Galmudug.

Xareed Cali Xareed Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa qabtay Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xildhibaanadan Ayaa horey u shaaciyeey inay xilka ka qaaden Guddoomiyihii Barlamaanka Galmdug Cali Gacal Casir ,iyago ku edeyeey waxqabad la’aan iyo gudashada Waajibaadkii loo igmaday.

Balse Cali Gacal Casir oo shir Jara’id qabtay ayaa arrintaa kaso horjeestay,isagoo sheegay in xildhibaano aysan ahayn kuwa xilka ka qaaday.

Ilaa hadda Mooshinkan laga soo Gudbiyeey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey kama uusan hadlin,balse waxaa la filayaa saacadaha so socda inuu ka hadlo Arrintan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: