RW khayre oo uga digay Wasiiradiisa inay Saxiixan heshiisyo uusan ogayn

HomeWararka

RW khayre oo uga digay Wasiiradiisa inay Saxiixan heshiisyo uusan ogayn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasiiradiisa uga digay inay saxiixaan heshiisyo caalami ah, iyada oo aysan

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Amaanka Kaantaroolada iyo Garoomada Diyaaradaha ee Puntland oo ciidamo lageeyay
GAALKACYO | Maamulka Degmada Gaalkacyo uu hogaaminayo Duqa Degmada Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaamac

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasiiradiisa uga digay inay saxiixaan heshiisyo caalami ah, iyada oo aysan la socon xafiiska ra’iisul wasaaraha, garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ay muhiim tahay in uu jiro iska warqab.

Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud ayaa sheegay ujeedada inay tahay si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

“Waxaa kaloo la istusiyay in wasaaraha ay ka digtoodaan inay saxiixaan heshiisyo caalami ah iyada oo aysan la socon garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada oo ra’iisul wasaaraha uu ugu horeeyo, si aysan dhibaato u imaan,” ayuu yiri wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Wasaaradaha qaar ayaa heshiisyo caalami ah la gali jiray hay’adaha dalka ka hawlgala, iyada oo aysan ogeyn madaxda dowladda federaalka, taasi oo marka dambe keeneysa dhibaato laga dhexlo heshiisyada la galay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: