Raysal Wasaaraha Jabuuti oo ka hadlay muwaadin dalkiisa oo lagu dilay Diridhaba

HomeWararka

Raysal Wasaaraha Jabuuti oo ka hadlay muwaadin dalkiisa oo lagu dilay Diridhaba

Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo rabshada kasoo cusboonaaday magaalasa Diri-dhaba ee lagu dilay

Saaka & Dunida iyo Xuseen Madar , Daljir Bossaso (dhegayso)
Abwaanad Muno Diyaano: “Walaahi Bilaahi Xaqa Guulaysanaya Muuse Bixina Waa u dhamaatay
Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)

Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo rabshada kasoo cusboonaaday magaalasa Diri-dhaba ee lagu dilay muwaadin u dhashay Jabuuti.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka xun tahay dhibaayooyinka loo geystay muwaadiniinteeda ku sugan Magalada diridhaba,isla markaana saameyn ku yeeshay rabshadaha ka dhacay Magaladaas.

“Xukuumadda Jabuuti waxa ay cambaareyneysaa rabshadihii ka dhacay wadanka itoobiya gaar ahaan dhibaatoyinka loo geystay dadka reer Jabuuti oo u xagaay baxay Diridhaba,ka dib falalka dhagarta ah ee ka dhacay dalka itoobiya Madaxda Dowladda Jabuuti,waxay la xiriirtay madaxda dalkaas si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniintena ku sugan dalkaas.

 

Dowladda Jabuuti ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan rabshadaha kasoo cusboonaaday dalka Jabuuti.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: