Dibadbaxyo rabshado wata oo kasocda Jigjiga

HomeWararka

Dibadbaxyo rabshado wata oo kasocda Jigjiga

Ciidamada dowladda faderaalka ee Itoobiya ayaa la wareegay xarumaha baarlamaanka, wasaaradaha iyo talfeshinkii dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Qardho (dhegayso)
Mareykanka oo duqeyn Cusub ka fuliyey Jubbada Dhexe
Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka degmada Dhoobleey

Ciidamada dowladda faderaalka ee Itoobiya ayaa la wareegay xarumaha baarlamaanka, wasaaradaha iyo talfeshinkii dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoona ay hareeyeen dibadbaxyo rabshado wata.

Sawaxan xoogan ayaa laga maqlayaa magaalada, rasaas iyo taayaro la arkayo oo ay gubayaan taageerayaasha maadxwaynaha dowlad deegaanka, iyadoo muuqaal la baahiyay uu muujinayo dab la qabadsiiyay kaniisad magaalada ku taala.

Wararka ayaa sheegaya inay u muuqato afgambi, iyadoo warar la helayo sheegayaan inuu baarlamaanka kasocday kulan ay ugu dhawaaqayaan gooni goosad.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa iyaguna ku wareegaya hareeraha magaalada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: