Madaxwayne Gaas oo ka hadlay duulaanka Somaliland, Al-shabaab iyo Daacish (dhegayso)

HomeWararka

Madaxwayne Gaas oo ka hadlay duulaanka Somaliland, Al-shabaab iyo Daacish (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa uu ka hadlay duulaanka Al-shabaab, Daacish iyo Somaliland ay ku hayaan Puntland. I

Soomaaliya oo aan lagu casuumin ka qaybgalka garroonka ugu wayn ee laga furayo Istambnuul
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa uu ka hadlay duulaanka Al-shabaab, Daacish iyo Somaliland ay ku hayaan Puntland.

Isagoo ka hadlayay xafladdii xalay kadhacday madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay kusoo duushay Somaliland, ayna difaacayso shacabkeeda, waxaana uu xusay madaxwaynaha Somaliland inuu diiday nabadda iyo inuu ka baxo dhulka Puntland.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxaa uu soo hadal qaaday duulaanka Al-shabaab iyo Daacish iyo dhibaatada ay ka wadaan dalka, waxaana uu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weeraradii ugu dambeeyey Muqdisho, Buuhoodle iyo Gaalkacyo, isagoona ku baaqay in la qabto shir caalami ah oo fikir midaysan laga qaato la dagaalankooda.

Hoos kadhegayso

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: