Soomaaliya oo aan lagu casuumin ka qaybgalka garroonka ugu wayn ee laga furayo Istambnuul

Soomaaliya oo aan lagu casuumin ka qaybgalka garroonka ugu wayn ee laga furayo Istambnuul

 

Madaxwayne Ordogan ayaa marti geliyay inka badan 18 hogaamiye oo kasocday dalalka Qatar, Suudaan, Pakistan, Serbiya, Uzbekistan iyo dalal kalle kuwaasi oo ka qaybgalay mashruuca lagu dhagax dhigayay garroonka ugu wayn adduunka ee Istambuul oo qaybi cusub lagu kordhiyay.

Qiimaha bilowga u ah dhismaha garoonka ayaa waxaa lagu sheegay $7.2bn, waxaana la filayaa inuu gaaro lacag ka badan $30.65bn oo ay dowlada Turkigu bixinayso. Dhamaadka sanadka 2018 ayaa la filayaa in 90 million oo ruux ay isticmaalaan garoonka halka marka la dhameeyo dhismaha 2028 ay gaari doonaan rakaabka isticmaali doona garoonka illaa 200 oo malyan oo ruux.

Garoonka ayaa waxaa ku degi doona maalintii laba kun oo duulimaad oo caalamka ah dhammaadka sanadkan, waxaana mashruucan maalgelinaya dowladda Turkiga.

Soomaaliya ayaana ka qaybgalin furitaankii mashruucan, iyadoona hoos u dhacay xiriirkii kala dhaxeeyey Turkiga kadib markii ay taageertay Sacuudi Carabiya xiisaddii ka dhalatay dilka wariyaha Jamaal Khashoggi.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com