Somaliland oo ka hadashay qaraxii Buuhoodle

Somaliland oo ka hadashay qaraxii Buuhoodle

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ku sheegay qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa inuu ka tacsiyadaynayo dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay kadhacay magaalada Buuhoodle ee ismiidaaminta ahaa, kaasi oo lagu dilay dad xilal ka haya maamulka Khaatumo.

Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay dadka geeriyooday inay ahaayeen muwaadiniin Somaliland ah, sida uu yiri.

Waxaa uu intaasi ku daray Somaliland inay baari doonto dhacdada Buuhoodle ee weerarka xalay.

Marka laga yimaado ka hadalka madaxwaynaha Somaliland ee weerarkii ismiidaaminta ayaa waxaa jiray in ragga la beegsaday oo uu ku jiro sarkaal katirsanaa ciidamada Puntland ee gobolka Cayn ay wadeen dhowaan qoridda ciidamo ka qaybgala difaaca dib Putland ay ugu doonayso inay kusoo celiso gobolka Sool.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com