HomeUncategorized

Maamulka kumeel gaarkaa ee Kismaayo oo sheegay inay meel wanaagsan marayaan qorshihii maamul goboleedka Jubba-land.

Kismaayo, Feb 09- Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay ka hor inta aan la gaarin bisha Maarso ee sanadkan in la soo gabagabayn doono qorshaha maamul goboleedka Gedo iyo Jubbooyinka.

Baahin: Isniin, Jan 16, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Ceelka shidaalka ee Shabeel I ee dooxada Dharoor oo hawshiisii bilaabatay; Khaatumo oo loogu wanqlaay maamul goboleedka gobollada Sool, Sanaag & Cayn; Dhaawicii Buuhoodle oo Galkacyo la keenay & shacabka Mudug oo u gurmanaya reer Cayn.
Maamulka gobolka iyo kan dagmada Garowe oo guddiyada xaafadaha Garowe kala shiray adkaynta ammaanka (Daawo Sawiro)
(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir Habeenkii 3aad

Kismaayo, Feb 09- Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay ka hor inta aan la gaarin bisha Maarso ee sanadkan in la soo gabagabayn doono qorshaha maamul goboleedka Gedo iyo Jubbooyinka.


Maamulka ayaa sheegay xiligaan inay socdaan abaabulka shirwaynaha aayaha Jubooyinka looga tashanayo, waxaana uu sheegay wafdi ka socda Igad xiligaan inay soo gaareen magaalada kuwaasi oo ka qayb qaadanaya dhinaca lojistikada iyo maaliyadda shirka intuu socdo.


Macalin Xaashi C/raxmaan oo ka mida maamulka Kismaayo ayaa daljir u sheegay in hawlaha maamul dhisidda hada meel wanaagsan ay marayaan dhawaana ay ku unki doonaan maamul goboleedkaasi.


Dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay saaxa siyaasadeed ee dalka Soomaaliya waxaa hareeyay guux ku aadan maamul u samaynta gobolada Gedo iyo Jubbooyinka oo ku yaal koonfur galbeed Soomaaliya.


Illaa hada ma jiro waqto go’an oo la gudo gali doono hawlaha dhismaha maamulkaasi, balse waxaa socda abaabulkiisa dal iyo dibadba.


Diiwaanka Wararka daljir
Kismaayo
(S).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: