Maamulka gobolka iyo kan dagmada Garowe oo guddiyada xaafadaha Garowe kala shiray adkaynta ammaanka (Daawo Sawiro)

Garowe, Aug 08 – Shir ku saabsan adkaynta ammaanka magaalada Garowe ayaa maantay waxaa maamulka gobolka, kan degmada iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland ay la qaateen guddiyada xaafadaha Garowe, iyagoo kala shiray sidii la isaga kaashan-lahaa ammaanka sidii loo sugi-lahaa.

Duqa degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi ‘Koor’ oo shirkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay jirto habac-sanaan gaamurtay oo ka jira dhanka guddiyada xaafadaha, waxaase uu tilmaamay in loo baahanyhay wadashaqayn dhaw inay yeeshaan guddiyada xaafadaha iyo hay’adah amniga si gacan bir ah loogu qabto dambiilayaasha falalka qorshaynka ka fuliya gudaha magaalada.

Dhinaca kale, talyaha qaybta gobolka Nugaal Faarax Warsame C/raxmaan oo la hadlay Daljir ayaa ka waramay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay gudaha magaalada Garowe ka fuliyeen hay’adaha ammaanku, waxaa uu rajo-wanaagsan ka muujiyay suurto-galnimada in gacanta lagu soo dhigo dambiilayaashii dilalka ka gaystay magaalada, waxaana uu hadalkiisa raaciyay inay jiraan raadad ay hayaan xilligaan, inkastoo uu ka cududaartay faah-faahin dheer inuu ka bixiyo raadadka ay hayaan iyo jihooyinka la tuhunsanyahay inay ka dambeeyaan falalka ammaan-darro.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’

Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com