Maamulka degmada Baargaal “Ciidamada badda Puntland isbadal ayay gobolka Gardafuu ku keenayaan” (dhegayso)

HomeWararka

Maamulka degmada Baargaal “Ciidamada badda Puntland isbadal ayay gobolka Gardafuu ku keenayaan” (dhegayso)

Guddoomiyaha degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu Abuukar Axmed Yuusuf ayaa sheegay ciidamada badda Puntland ee saldhigyada ka samaystay deegaano ka m

Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Al-shabaab iyo AMISOM oo ku dagaalamay Shabeelada hoose
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Guddoomiyaha degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu Abuukar Axmed Yuusuf ayaa sheegay ciidamada badda Puntland ee saldhigyada ka samaystay deegaano ka mid ah gobolka inay isbadal ku keenayaan arimaha ammaanka iyo horumarka ee gobolka.

Waxaa uu sheegay hay’adaha caalamiga inay tagin deegaamo aanu ka jirin wax ciidan ah, sidaasi darteed ay ciidamada badda Puntland ee saldhigyada ka samaystay gobolka Gardafuu ay yihiin kuwa wax ka qabanaya arrimaha ammaanka ee gobolka iyo horumarka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay degmada Baargaal oo uu guddoomiye ka yahay inuu ka jiro isbadal la taaban karro ammaanka iyo adeegyada mashaariicda marka lala barbardhigo xiliyadii aanay joogi jirin ciidamada gobolka.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya dibadbaxyo kadhan ah ciidamada badda ee Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay saldhigyada ciidamada ka samaystay gobolka Gardafuu oo ay dhigayeen dadka shacabka ee gobolkaasi, iyagoona sheegaya inay ciidamadan usocdaan danno gaar ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: