Madaxwaynaha Puntland oo hambalyo udiray shacabka Soomaaliyeed

HomeWararka

Madaxwaynaha Puntland oo hambalyo udiray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo  ku aadan Xuska sanad guurada 58-aad ee  1-

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika oo Muqdisho Gaarey
Shirka Golaha wadatashiga oo Maanta furmaya & Qodobada looga hadlayo
Sidee looga ciiday Maanta Magaaladda Burtinle ee gobalka Nugaal (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo  ku aadan Xuska sanad guurada 58-aad ee  1- Luulyo,  maalintaas oo ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ayna midoobeen Gobolada Koonfur iyo Waqooyi  ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland  ayaa ku   tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

Madaxweynaha oo ka hadlya qiimaha ay leedahay maalinta xornimada iyo midowga Soomaalaiya ayaa waxaa uu yiri.

“Waxaan rabaa inaan halkaan tahniyad uga diro Shacabweynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, maalinta 1- Luulyo ay kasoo wareegtay 58 sano curashadii Dowlad Soomaaliyeed, maalintii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo ayadoo ku astaysan maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya, waxaana hambalyadaa u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan leeyahay meelkasta aad joogtaan ku ciida nabad galyo, midnimo, wadajir iyo Soomaalinimo, waxaan Alle ka rajeeynayaa in sanadkan sandkiisa kale aan ku gaarno Dowladdnimodeenii oo gaamurta, horumar Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed, wadajir Soomaaliyeed, Soomaaliya oo is cafida, Soomaaliya oo mid noqota, Soomaaliya oo sharafteedii iyo karaamadeedii dib ulasoo laabata, maalintaas waa maalin xusuus wayn ku leh qalbiga Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  sheegay inuu rajeenayo in marxalada ay ku sugantahay Soomaaliya mid ka duwan sandaha soo socda ay isku wareysan doonaan Insha Allaah..

                                                            -DHAMMAAD-

— 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: