Raysal Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta dalka ka ambabaxay (sawiro)

HomeWararka

Raysal Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta dalka ka ambabaxay (sawiro)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdish

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
(Sawirro) Gaalkacyo oo si dar darleh ay uga socoto qaadista Cashuurta Gaadiidka ee sedex biloodka ah

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdish, waxaaan dalka Norway ay uga qaybgali doonaan shirka Oslo Forum oo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo qabanqaabiyay wasaaradda arimaha dibadda ee Norway iyo xarunta wada hadalka iyo banii’aadantinimada ee HD ee Norway, waxaana ka qaybgalaya wafuud heer caalami ah sida xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, Raysal wasaare Khayre, Thomas Greminger xoghayaha guud ee ururka ammaanka iyo iskaashiga ee Yurub, u qaybsanaha siyaasadda ee QM   Rosemary A. DiCarlo, wasiiro kasocda dalalka Jordan, Oman iyo Tanzania.

Arimaha khilaafaadka, ammaanka iyo nabad dhalinta ayaa xoogga lagu saarayaa shirka sanadkan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: