HomeUncategorized

Maamulka gobolka Mudug oo ka hadlay dhacdooyin xalay ka dhacay Galkaco (Dhegayso)

Galkacyo Nov 20, Gudoomiyaha gobolka Mudug Md Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo shir jaraa'id maanta ku qabtay magaaladda Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa canbaareeyey dhacdooyin isugu jira dil & afduub oo ka dhacay magaaladda Galkacyo & duleedkeedda.

DHEGEYSO-Barnaamijkii saaka iyo dunida iyo Maxamed Laki Man.
Koonfur Afrika oo amniga la adkeeyey iyo ajinebi ay Soomaalidu ku jiraan oo il gaar ah lagu eegayo
Wadahadaladii nabadeed ee Galkacyo oo baaqday.

Galkacyo Nov 20, Gudoomiyaha gobolka Mudug Md Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaaladda Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa canbaareeyey dhacdooyin isugu jira dil & afduub oo ka dhacay magaaladda Galkacyo & duleedkeedda.

Maxamed Yuusuf Jaamac wuxuu sheegay in fal aragagixiso xalay lagu diley AUN Aadan Faarax Dheere oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Mudug ?kaasoo xalay kooxo hubaysan toogteen xili uu kasoo baxay salaadda cishe masjid ku yaala xaafadda Israac ee magaaladda Galkacyo.

Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay fal afduub ah oo shalay ka dhacay duleedka magaaladda Galkacyo kaasoo ay geysteen dabley kasoo talaabay dhinaca Galmudug oo qafaashay dad reer Puntland ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in afduubkaasi ahaa mid sharci darro ah kana soo horjeedda wada noolaanshaha, nabadda iyo derisnimada labada dhinac ee Galmudug & Puntland.

Ugu danbayn ayaa gudoomiyuhu ku baaqay in laga wada shaqeeyo nabada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dadka ugaarsanaya dadka umada indhaha ka ridaya.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(B)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: