HomeUncategorized

Roob dabaylo wata oo ka da’ay degmada Bandar Bayla ee gobolka Bari (Dhegayso)

Bandar Bayla Oct 25-2012, Duqa degmada Bandarbayla ee gobolka Bari Md Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Aanteeno) oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in Roob xoogan oo Duufaano iyo Dabaylo wataa uu maanta ku hoorray degmadaaasi.

Ergada shirka Khaatumo II oo isku raacay in maamul goboleed laga dhiso gobollada Sool, Sanaag & Cayn.
Saddex qof oo xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Boosaaso & bilesyka oo baaritaanno wada.
Kenya oo dib u soo celisay qorshihii ay ku celinaysay qaxootiga ajinebiga ah ee degan dalkaasi

Bandar Bayla Oct 25-2012, Duqa degmada Bandarbayla ee gobolka Bari Md Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Aanteeno) oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in Roob xoogan oo Duufaano iyo Dabaylo wataa uu maanta ku hoorray degmadaaasi.

Duqa Degmadu wuxuu sheegay in Roobku ?bilowday gelinkii hore ee maanta (Khamiis 25-Oct-2012) kaasoo xiliguu bilowday ahaa mid kusoconaya xawaare gaaban, hase ahaatee wuxuu sheegay in gelinkii danbe Roobku noqday mid aad u xoogbadan oo sababay inay guryo badan dumaan.

Roobkan ka curtay degmada Bandar Bayla ee gobolka Bari ayaa kusoo beegmay xili saacadihii lasoo dhaafay digniin ay jeediyeen hay’adaha Saadaasha hawada oo tilmamay in roobab dabaylo wataa ku soo wajahan yihiin gobolka Bari.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir?

(B)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: