Dad shacab ah oo ku dhintay Cagaf la rogmatay Baladweyne (Sawiro)

HomeWararka

Dad shacab ah oo ku dhintay Cagaf la rogmatay Baladweyne (Sawiro)

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dad ka barakacayay Magaaladaasi ay la rogmatay Cagaf ay saarnaay

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Badhan (dhegayso)
Eyl: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo tababar u furay shaqaalaha diiwaangalinta (Sawirro)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo faray in Laamaha Amniga ay Warbixin Deg-deg ah ka keenaan Qaraxii Maanta.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dad ka barakacayay Magaaladaasi ay la rogmatay Cagaf ay saarnaayeen.

Inta la Xaqiijiyay 5-qof ayaa Geeriyootay, waxaana jira dad Dhaawacyo ay soo gaareen, Xaafadda Nuur Xawaad oo Shilka Ka dhacay waxay wararku intaa ku darayaan in dadka dhintay ay isugu jiraan Rag iyo Haween.

Waxaa istaagay Isticmaalka Cagafta oo dadka ay ku raacaan lacag dhan $5 (Shan Doolar) si ay ugu tallaabaan Biyaha Fatahaadda Wabiga iyo Daadadka Roobka ka dhashay ee hakiyay isku socodka Gaadiidka iyo Dadka.

Dhanka kale Wararka isla Baladweyne ka imaanaya ayaa sheegaya in Fatahaadda Wabiga uu ku sameeyay Magaalada in uu maanta kordhay, kadib Daadaad horleh oo Wabiga kasoo rogmaday Magaalada ay galeen.

Qaar kamid ah Dadka tirada yar ee ku haray Magaalada Baladweyne ayaa Mustaqbal u sheegay in Daadad fara badan ay Magaalada Soo galayeen tan iyo Saakay.

:

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: