R/W Khayre oo kulan la qaatay Madaxa Golloha Amaanka u qaabilsan Cuna-qabataynta Hubka Soomaaliya.

HomeWararka

R/W Khayre oo kulan la qaatay Madaxa Golloha Amaanka u qaabilsan Cuna-qabataynta Hubka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Gollaha Amaanka ee Hay’adda Qar

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid: “Ingiriiska iyo Maraykanku waxay ku Tartamayaan Siyaasadda Soomaaliya”
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Beelo Gobalka Karkaar ku dagaalamay oo diyo kala qaatay Qardho (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Gollaha Amaanka ee Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.

Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan horumarka ay ku tilaabsatay Xukuumaddu sida Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahed celiyay madaxda Ururka Qarmadda Midoobay sida ay marwalba u garab taagan yihiin Soomaaliya iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda, waxuuna ballan qaaday in isbadel horumarineed ay ku talaabsan doonta Soomaaliya sannadaha soo socda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: