Ra’iisul wasaarha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga

HomeWararka

Ra’iisul wasaarha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo T

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo AMISOM kala hadlay shilalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.

Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE

DISQUS: