Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo AMISOM kala hadlay shilalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM oo uu kala hadlay shilalka kadhaca magaalada Muqdisho oo ay ciidamada AMISOM ay ku jiireen gaadiid iyo dad shacab ah.

Illo ku dhowdhow maamulka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu ka codsaday inay magdhow ka bixiyaan dhibaatada ay soo gaarsiiyaan dadka rayidka ciidamada AMISOM.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa dhankooda sheegay inay wax ka qabanayaan shilalka ay ka gaystaan gaadiidkooda qafilan wadooyinka magaalada Muqdisho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com