Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo gaaray jabuuti

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo gaaray jabuuti

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, waxaana garoo

Guudoomiye kuxigeenka degmada Dhahar Maxamed Muuse: “Aad baan uga xunahay in Hooyooyin loo adeegsado rasaas nool” (daawo)
Fanaanada Maryal Mursal oo Waraysi Siisay Radio Daljir & Taarikhdeeda Faneed (dhegayso)
Hantidii lagu boobay rabshadihii gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo la celiyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax, Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D Sareeyo Guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil ka socotay dawladda Talyaaniga.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku tagay dalka Jabuuti ayaa yimid kadib markii casuumaad uu ka helay dhigiisa Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax.

Waxaana la filayaa wafdigaan intay ku sugan yihiin Jabuuti inay kulamo gaar gaar ah ay la qaataan Madaxda sare ee dalkaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: