Hantidii lagu boobay rabshadihii gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo la celiyay

Hantidii lagu boobay rabshadihii gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo la celiyay

Guddi odayaal ah oo kasoo jeeda magaalada Godey ee gobolka Soomaaliyeed ee ay Itoobiyo maamusho ayaa sheegay inay dib u celiyeen inka badan boqolkiiba sideetan hantidii laga dhacay dadka aan Soomaalida ahayn ee gobolkaasi ku nool ee qowmiyadaha kalle ee Itoobiya.

Rabshadihii gobolka Soomaalida ee Itoobiya kadhacay horaantii bishaan ayaa sababay in dhalinyaro caraysan ay boobaan hanti ay lahaayeen qowmiyadaha kalle ee Itoobiya, iyagoo ka caraysnaa go’aankii uu isku casilay madaxwaynihii xilka hayay ee dowlad deegaanka iyo dagaalka Oromada ee ay ku hayso Soomaalida.

Xaaladda ayaa iminka ah mid degan, iyadoo ganacsiga magaalooyinka Jigjiga iyo duulimaadyada shacabka ay si toos ah u bilowdeen.

Shariif Cabdifitaax Shariif Cumar oo ka mid ah guddiga magaalada Godey ee wada dib u celinta hantida la boobay ayaa sheegay inay adeegsanayaan culimada iyo barnaamijyo diini ah oo lagu dajinayo xiisadda, iyo hantida dadka laga dhacay oo dib loogu celiyay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com