Guddiga khayradka Biyaha Aqalka Sare iyo Xubno kasocda Dowlad gobaleedyada oo Muqdisho ku kulmay

HomeWararka

Guddiga khayradka Biyaha Aqalka Sare iyo Xubno kasocda Dowlad gobaleedyada oo Muqdisho ku kulmay

Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Gobolleedyada dalka ayaa maanta kullan wa

Abwaan Cabdulaahi Jabriil: “Puntland waa in laga badbaadiya dadka jeebka ku ritay ee ku ciyaaraya”
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Puntland oo ka tacsiyadeysay geerida AUN Cali khaliif Galayr

Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Gobolleedyada dalka ayaa maanta kullan wadatashi ah oo ku saabsan Keyraadka biyaha dalka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo furay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in shuruucda dalka loo sameynayo in si wadajir ah kaalin looga qaato, isla markaana Maamul Goboleedyada laga tali geliyo sameynta sharciga Keyraadka Biyaha dalka si tabashada iman karta xal wadajir ah looga gaaro.

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare ayaa uga mahad celiyay abaabulka iyo kaalinta uu ka qaatay sameynta shuruucda Kheyraadka Biyaha dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Senator Ilyaas Cali Xasan oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha oo uu sheegay iney gacanta ku hayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: