HomeUncategorized

Faroole oo Garowe soo gaaray, iyo bannaanbax lagu soo dhawaynayo doorashada madaxwaynenimo ee Moqdisho ka dhacaysa.

Moqdisho, Sept 10 - Wafti uu hoggaaminayo madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud 'Faroole' ayaa maantay soo gaaray magaalada Garowe.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.
Gudoomiye kuxigeenka ururka Xaqsoor ee Somaliland oo xiriyadiisa dib u helay.
DHEGEYSO-Lixdan jir lagu diley deegaanka Ceel-xabley ee G.Bari.

Moqdisho, Sept 10 – Wafti uu hoggaaminayo madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ ayaa maantay soo gaaray magaalada Garowe.

Garoonka Garowe internetional Airport ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo M/kuxiggeenka Puntland General C/samad Cali Shire, waxaana la filayaa in doorashada madaxawaynaha Soomaaliya kaddib in dawladda Puntland ay soo saari-doonto qoraal ku saabsan ra’yiga Puntland ee ku aadan hoggaanka loo doortay Soomaaliya.

Dhinaca kale, magaalada Garowe maantay waxaa ka dhacay bannaanbax ay soo qaban-qaabiyeen qaybaha bulshada ku dhaqan Garowe, waxaana dadku ku baaqayeen kalmado ay ka mid-tahay “Waan soo dhawaynaynaa doorashada Soomaaliya, Allaw hoggaan Soomaaliya uga dhig nin daacad ah oo dadka iyo dalkaba wax-tara”.

Socdaalka uu Garowe ku yimid madaxwayne Faroole ayaa kusoo beegmaysa xilli Moqdisho ay maantay ka socoto doorashada madaxwaynaha Soomaaliya, taasi oo la filayo in caawa ay soo gaba-gabowdo.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: