HomeUncategorized

Udiyaar-garawga olalaha doorashada madaxwaynaha Soomaaliya oo ka socota Moqdisho.

Moqdisho, Sept, 09 - Waxaa magaalada Muqdisho maantay laga dareemayaa u diyaar-garawga doorashada madaxwaynaha Soomaaliya, taasi oo balan-sanyahay maalinta birriya ee taariikhdu ku beegantahay 10-ka September in lagu qabto Moqdisho.

Haweenka Puntland oo odoyaasha ka codsaday in dumarka lagu daro Baarlamanka cusub (Dhegeyso)
Madaxweyne Gaas oo Afur Garowe ugu sameeyay Arday ka Qayb-gashay Tartan Qur’aan
Codbixinta oo bilaabatay & 10 musharax oo u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka

Moqdisho, Sept, 09 – Waxaa magaalada Muqdisho maantay laga dareemayaa u diyaar-garawga doorashada madaxwaynaha Soomaaliya, taasi oo balan-sanyahay maalinta birriya ee taariikhdu ku beegantahay 10-ka September in lagu qabto Moqdisho.

Afhayeenka guddiga doorashada Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ay tahay maalintii ugu dambeysay ee qaban-qaabada doorashada, musharraxiintana ay wadaan ololohoodii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinnimada dalka.

Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in guddiga doorashada oo saddex qeybood ka kooban ay wadaan howllo adag oo ku aaddan arrimaha doorashada iyo qabsoomideeda.

Afhayeenka ayaa xusay in ay diyaariyeen jawi nabdoon oo ay ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo in muddo ah la sugayay.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berito oo Isniin ah ka dhacdo gudaha Muqdisho, waxaana ku tartamaya 25 musharrax.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: