Madaxweyne Gaas oo Afur Garowe ugu sameeyay Arday ka Qayb-gashay Tartan Qur’aan

Axad, Luuliyo 12, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa afur iyo casho sharaf ugu  sameeyey Rugsan Hotel ardaydii ku tartantay akhriska Qur\’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.

Kulankaasi afurka iyo cashasharafta ahaa ayaa Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac  uu madaxweynaha Puntland u wakiishay in uu ardaydaasi kala qeyb-galo.

Dhammaan Tartamayaashi isaga kala yimi Gobolada Puntland ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu ugarab taaganyahay, isalamarkaana dhiirigelinta ugu muujinayo, waxaana ay tilmaameen in dadaalka ay wadaan sii laba jibaarayaan.

Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo khudbad kooban ka  jeediyey madashii afurka ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ka qeyb-kala munaasibaddani , isagoona madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu mar walba u garab taaganyahay da\’yarta soo koraysa ee indhaha u ah bulshada Soomaaliyeed.

Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ardaydaan u soo gebagebeeyey tartanka Qur\’aan akhriska Gobolada Puntland, welibana uu ufideyey casuumadani maanta loo sameeyey ardayda iyo macalimiintooda.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com