HomeUncategorized

Dowladda Puntland oo Soo dhaweynaysa Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub

Garowe28-08-2012 Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay u hambalyaynaysaa Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Baahin: Khamiis, Feb 17, Weriye Khadar C. Ismaaciil… “Muqdisho caasimad Somaliyed mar waa ahayd” Garaad C/llahi Cali Ciid … Wasiirka kalluumaysiga Puntland oo sheegay in ciidamo hubaysani isku horfadhiyaan balliga Kalshaale, Cayn … “Maxamed Dheere tuhun baan jira in uu lug ku lahaa …intooda kale waa dadkii ficilka gaystay, la og yahay, oo la yaqaan” Duqa magaalada Muqdisho … Xawaalada Amal oo deeq raashin ah guddoonsiisey dan yar ku sugan Laascaanood …
Amaanka iyo dhaq-dhaaqa ganacsiga Boosaso oo maanta caadi ah xili xalay la weeraray xabsiga dhexe
Mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo sheegay in uu ka badbaaday isku-day dil.

Garowe, Aug, 29 – Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay u hambalyaynaysaa Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Avv. Maxamed Cismaan Jawaari waxayna uga tahniyadaynaysaa sida libta leh uu ugu guulaystay doorashadaasi.

Puntland waxay ku kalsoontahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub uu dhamaystiri doono waxyaalaha ka dhiman xoojinta dhismaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwasoo ay ka mid yihiin hirgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka KMG ah, hirgalinta dhismaha Aqalka Sare ee Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo dhiirigalinta dhismaha Dowladaha Xubinta ah Dowladda Federaalka ee dhiman.

Puntland waxay rajaynaysaa in doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u dhacdo sida tan oo kale, oo ah si cad oo cadaalad ah, waxayna ku dhiirigalinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay Madaxweynaha Soomaaliya u doortaan qof aamin ah, Dowli ah, awoodna u leh in uu wadanka ka saaro marxalada adag ay Soomaaliya marayso.

?

DHAMMAAD

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: