Dowladda Puntland oo Soo dhaweynaysa Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub

Garowe, Aug, 29 – Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay u hambalyaynaysaa Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Avv. Maxamed Cismaan Jawaari waxayna uga tahniyadaynaysaa sida libta leh uu ugu guulaystay doorashadaasi.

Puntland waxay ku kalsoontahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub uu dhamaystiri doono waxyaalaha ka dhiman xoojinta dhismaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwasoo ay ka mid yihiin hirgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka KMG ah, hirgalinta dhismaha Aqalka Sare ee Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo dhiirigalinta dhismaha Dowladaha Xubinta ah Dowladda Federaalka ee dhiman.

Puntland waxay rajaynaysaa in doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u dhacdo sida tan oo kale, oo ah si cad oo cadaalad ah, waxayna ku dhiirigalinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay Madaxweynaha Soomaaliya u doortaan qof aamin ah, Dowli ah, awoodna u leh in uu wadanka ka saaro marxalada adag ay Soomaaliya marayso.

?

DHAMMAAD

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com