Madaxweynaha Hiirshabeele oo Kulan la qaatay Wafdi kasocdaa QM

HomeWararka

Madaxweynaha Hiirshabeele oo Kulan la qaatay Wafdi kasocdaa QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay kulan ballaaran la qaatay maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah Sa

Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xasan Jabhad: “Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalidu dad awood leh ma aha, waa dad hoosjoogayaal ah”
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (daawo)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay kulan ballaaran la qaatay maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Qaramada midoobay.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii caawimaad deg deg ah loo gaarsiin lahaa Dadkii dhawaan ka bara baxay fatahaadda Webiga Shabeelle ee ka dhacday Magaalada Baladweyne , kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay 4,500 Qoys.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdulahi Axmed Maalin ayaa madaxda ka qeyb gashay kulanka u sheegay in Dad badan ay u baro kaceen duleedka Magaalada, islamarkaana ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in Kumanaanka Qoys ee halkaasi gaaray ayan haysan wax Agab ah oo ka saacidaya xagga nilisha iyo inay halkaasi ku sii nagaadaan, isagoo xusay inay Biyaha Webiguna marba marka ka dambaysa sii kordhayaan loona baahan baahan yahay inay hay’aduhu doorkooda Bini’aaddannimo qaataan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Mudane; Maxamed Cabdi Waare ayaa gabagabadii ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, ha’yaddaha sama-falka, ganacsatada, iyo qurbo joogta reer Hiiraan, inay door ka qaataan sidii gurmadyo kala duwan loo gaarsiin lahaa Dadka ku dhibaateysan daafaha Magaalada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: