Madaxweynaha Hiirshabeele oo Kulan la qaatay Wafdi kasocdaa QM

Madaxweynaha Hiirshabeele oo Kulan la qaatay Wafdi kasocdaa QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay kulan ballaaran la qaatay maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Qaramada midoobay.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii caawimaad deg deg ah loo gaarsiin lahaa Dadkii dhawaan ka bara baxay fatahaadda Webiga Shabeelle ee ka dhacday Magaalada Baladweyne , kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay 4,500 Qoys.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdulahi Axmed Maalin ayaa madaxda ka qeyb gashay kulanka u sheegay in Dad badan ay u baro kaceen duleedka Magaalada, islamarkaana ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in Kumanaanka Qoys ee halkaasi gaaray ayan haysan wax Agab ah oo ka saacidaya xagga nilisha iyo inay halkaasi ku sii nagaadaan, isagoo xusay inay Biyaha Webiguna marba marka ka dambaysa sii kordhayaan loona baahan baahan yahay inay hay’aduhu doorkooda Bini’aaddannimo qaataan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Mudane; Maxamed Cabdi Waare ayaa gabagabadii ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, ha’yaddaha sama-falka, ganacsatada, iyo qurbo joogta reer Hiiraan, inay door ka qaataan sidii gurmadyo kala duwan loo gaarsiin lahaa Dadka ku dhibaateysan daafaha Magaalada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com