Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo xilkii iska casilay

HomeWararka

Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo xilkii iska casilay

Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta iska casilay xilkii Wasiirnimo isaga oo isku soo sharaxa

Shacabka Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay doorashadda Soomaaliya (Daawo)
Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay ka hortagga Daacish
Madaxwaynaha Puntland oo ka ambabaxay Garoowe iyo xildhibaanada

Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta iska casilay xilkii Wasiirnimo isaga oo isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Golaah Shacabka Soomaaliya.

Wasiir Mursal oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warqada istiqaalada waxa uu u gidbiyey Guddiga doorashada gudoomiyaha oo uu hogaamiye Nuur Iidow Beyle,waxana isla Maanta uu qaatay Shahaadada mushaarxnimo ee guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa haayay mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn ee golaha Wasiirada balse uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxana sidoo kale shalay is casilay Wasiir dowle iyo Wasiir ku xigeen kuwaas oo ka mid noqday musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: