Wasaaradda Waxbarashadda Somaaliya oo deeq Waxbarasho ka heshay Dalal kala duwan

HomeWararka

Wasaaradda Waxbarashadda Somaaliya oo deeq Waxbarasho ka heshay Dalal kala duwan

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha Tacliinta sare Soomaaliya Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soom

Cudurka ‘Snapchat dysmorphia’ ee laga qaado baraha bulshada oo ka sii daraya
Shirki Madaxda Maamul gobaleedyada iyo kuwa Qaranka Wajigiisa labaad oo Furmay
Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka oo Shacabka Muqdisho ugu Baaqay Kashaqaynta Amaanka (dhegayso)

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha Tacliinta sare Soomaaliya Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalal kala duwan ka heshay Deeqo Waxbarasho oo Bilaash ah.

Dalalka Ruushka iyo Hindiya Waxbarasho bilaash ah oo ay ka heleen ayuu sheegay in ay ku bixiyeen sida ay ardayda ugu kala sareeyeen Kaalmaha Waxbarashada.

Faysal waxa dhanka kale sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso Minxooyin kale oo ay ka rajeynayaan Dalalka Dalalka Suudaan, Shiinaha, Itoobiya iyo kuwo kale si ay ardayda ugu kala fiican yihiin Waxbarashadooda, halka Maamul Goboleedyadana ay ku gaarsiinayaan qaab Boqolley ah sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xildhibaan Faysal Cumar waxa uu dhinaca kale sheegay in wali Wasaaraddu ay ku howlan tahay dib u dhiska Maktabadii Qaranka oo maalmo ka hor Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xariga uu ka jaray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: