HomeUncategorized

Weerar kooxo hubaysan ay ku qaadeen xabsiga weyn ee Gaalkacyo oo uu dhaawac ka dhashay.

Gaalkacyo, Aug 12- Labbo nin oo ka mid ahaa kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday galabta xabsiga weyn ee Gaalkacyo ayaa dhaawac uu ka soo gaaray ka dib markii muddo nus saac ka badan ay israsaasayn xoogan ku dhex-martay dablaydaasi hubaysan iyo ciidanka xabsiga oo markii danbana gacan ka helay ciidan kale oo ka yimid gudaha magaalada.

Baarlamaanka Puntland oo maantay ka dooday dhaqaamaha, siyaasadda, iyo ammaanka Puntland.
Jaamacadda Carabta oo ku Celisay in Somalia laga Taageero Qalabynta Ciidamada
Weerarkii Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho oo la so Gab-gabeeyay

Gaalkacyo, Aug 12- Labbo nin oo ka mid ahaa kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday galabta xabsiga weyn ee Gaalkacyo ayaa dhaawac uu ka soo gaaray ka dib markii muddo nus saac ka badan ay israsaasayn xoogan ku dhex-martay dablaydaasi hubaysan iyo ciidanka xabsiga oo markii danbana gacan ka helay ciidan kale oo ka yimid gudaha magaalada.


Weerarkan oo ahaa mid qorshaysnaa ayaa kooxaha soo qaaday oo la tilmaamayo inay u badnaayeen burcad-badeed waxay wateen gaadiid shacab gaar ahaan kuwa yar-yar ee raaxada waxaana ay ku hubaysnaayeen hub uu ka mid yahay qoriga PKM oo gaarayay ilaa iyo dhawr qori sida uu inoo xaqiijiyay Taliyaha xabsiga weyn ee Gaalkacyo G/dhexe Aadan Nuur Qaal oo isagu xiligaasi ku sugnaa gudaha xabsiga sida uu inoo sheegay.


”Annagoo xabsiga iska joogna oo ay Ramadaana tahay ayaa ciidan hubaysan oo aanan aqoon waxay yihiin kana yimid dhinaca magaalada ayaa weerar nagu soo qaaday, ka dibna difaac ayaanu galnay waxaana gadaal ka soo galay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku soo baxay dhawaqa rasaasta iyo war-galin aanu siinay”, Ayuu Yiri G/dhexe Aaaden Nuur Qaal.


?Aadan Nuur Qaal Taliyaha xabsiga oo daqiiqado ka dib waraysi siiyay Radio daljir ayaa sheegay inay weerarkaasi kooxaha ku doonayeen inay ku furtaan dad xabsiga ku jira oo la sheegay inay ku xiran yihiin xabsiga, Taliyaha ayaa intaasi ku daray in aysan jirin wax khasaaraa oo ciidanka soo gaaray uuna jiro daba-gal lagu hayo kooxahaasi.


Masuuliyinta kale ee gobolka iyo degmada oo dhacdadan wax ka waydiinay ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ka bixiyaan, dhacdadan xagal-daacinaysa xasiloonida ammaanka Gaalkacyo ayaa? ku soo aadaysaa xili habeennimadii? isla magaalada lagu dilay nin rayida oo ganacsadaa mid kalana lala dhaawacay salaadii makhrib ka dib xaafadda garsoor, inkastoo laamaha ammaanku ay sheegayaan inay socdaan baaritaano ku aadan falkaasi.


Diiwaanka Wararka


Daljir Gaalkacyo


(Silver)
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: