Wareegga Afaraad (Quarter Final )ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo caawa la isku aadiyay

Bossaso, Aug 11 – Waxaa caawa ka dhacday xarunta idaacadda Daljir ee magaalada Boosaso isku aadka dugsiyada sarre ee usoo gudbay wareegga afaraad (Quarter Finalaha) barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay iska kaashanayaan maalgalintiisa wasaaradda waxbarashada Puntland, Daladda PEN,shirkadda isgaarsiinta Golis iyo idaacadda Daljir oo suutagalinaysa gobolada Puntland iyo gobolada qaar ee dalka in laga dhagaysto.

Barnaamijka ayaa xalay lasoo gunaanaday wareegiisa sadexaad oo ay ku tartamayeen sideed dugsi, balse nasiibka iyo aqoontu ay siisay inay? ay usoo gudbaan wareegga afaraad ama Quarter Finalaha barnaamijka? dugsiyada kala ah, Gambool Garowe,Nawawi Garowe, Al-Najah Bosaso iyo Al-nuur Baran.

Tartanka oo habeen dambe sitoos u bilaaban doona ayaa waxa ay dugsiyadu? isku arki doonaan sidaan.

  • Gambool Garoowe Vs? Al- Najah Bosaso
  • Nawawi Garoowe Vs Al-Nuur Baran .

?

Labada dugsi ee guulaysta afartan dugsi ayaa utartami doonaa koobka sanadkan ee barnaamijka oo ay usoo tartameen 24-dugsi oo ku yaalla guud ahaan gobolada Puntland.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa sanadkaan la rajaynaa inuu noqdo mid ka xamaasad badan sanadihii hore, waxaana siweyn loogu amaanay kaalinta barnaamijka uu ka qaadanayo aqoonta, kaalinta amaanka iyo is-dhexgalka bulshada.

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Radio Daljir Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com