HomeUncategorized

M/weyne Shariif oo ka baxay shirkii saxiixayaasha Road-mapka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho

Nairobi, July, 05 - Madaxwaynaha DF Shariif Shiikh Axmed iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa maantay isaga baxay shirkii saxiixayaasha ee ka socday Nairobi.

DHEGEYSO-Dhimsha wada Ceel-daahir Ceeri-gaabo oo meel wanaagsan maraya.
Ciidamada Imaaraadka Carbeed oo furtay markab ay budhcad-badeed Soomaali ah dalkaas ka afduubeen.
?Shacabka Puntland oo loogu baaqday in ay dhawraan xuquuqda dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan ciidanka amniga.

Nairobi, July, 05 – Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Somaliya Shariif Sh. Axmed iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa? maantay isaga baxay shirkii saxiixayaasha Road-mapka ee ka socday Nairobi.

Wararka idaacadda Daljir ay ka helayso illo-ku dhaw-dhaw shirka ayaa tilmaamaya in kabixitaanka shirka ee madaxwayne Shariif uu ku wehliyay mid ka mid ah wakiillada ururka Ahlu-sunna oo uu Shariif dhawaan u magacaabay la-taliyaha madaxwaynaha ee dhanka arrimaha ammaanka.

Ergayga gaarka ah ee golaha ammaanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Augustin Mahiga iyo diblumaasiyiin kale ayaa isku dayay inay madaxwayne Shariif kusoo celiyaan shirka, balse arrintaasi ayaa suurto-gali-wayday. Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay ku waramayaan in Madaxwayne Shariif uu dib ugu soo laabtay Moqdisho.

Inkastoo aan la hubin sababta dhabta ah ee M/weyne Shariif shirka uga baxay, hase yeeshee waxaa la tilmaamayaa in uu ka biya-diiday hindise ay soo jeediyeen saxiixayaashu oo dalbaya in doorashada Madaweynaha la soo hor mariyo.

Ka-bixitaanka Shirka ee madaxwayne Shariif ayaa u eg mid ka dhalatay caro uu ka dhexqaaday habka uu shirku u socdo, waxaana tani ay dhalin kartaa khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha saxiixayaasha khariidada nabadda.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: