Barnaamijka Tartan iyo Tacliim oo lagu tartamayo wareegiisii labaad

Bosaso, Aug 06 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliim oo ay ku tartamaan dugsiyada sare ee deegaanada Puntland, islamarkaana galay wareegii labaad ayaa waxaa xalay ku tartamay sidii caadadu ahayd afar ka mid ah dugsiyada barnaamijka ee usoo baxay wareega labaad.

Qaybtii hore ee barnaamikka? ayaa waxaa ku tartamay dugsiga Sheekh Cismaan Qardho iyo Cumar Bin Cabdulcasiis? Bosaso ,dusgi kasta ayaa waxaa la waydiiyay lix su’aalood sida sharciga barnaamijka uu qabo.

Gudoomiye kuxigeenka? barnaamijka Tartan iyo Tacliim Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa gabagbadii ku dhawaaqay natiijada tartanka dugsiyada sare ee Sheekh Cismaan Qardho? iyo Cumar Binu Cabdilcasiis Bosaso.

Dugsiga Cumar Bin Cabdicasiis Boosaaso, oo la waydiiyay lix su’aal oo uu xaqa u lahaa ayaa waxaa uu ka jawaabay sadex su’aalood oo? ka mid ah su’aalihiisii, waxaa uu qalday sadex? su’aal, kafaa’iidaysi waxaa uu helay hal su’aal sidaasi ayuu ku helay todobo dhibcood.

Dugsiga sare ee Sheekh Cismaan Qardho oo la waydiiyay lix su’aalood oo uu xaqa u lahaa, ayuu ka jawaabay sadex su’aal, waxaa uu qalday sadex su’aalood ee uu xaqa u lahaa,kafaa’iidaysi waxaa uu u helay laba su’aal sidaasi waxaa uu ku helay 8-darajo guushii tartankana ay ku raacday.

Qaybtii labaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliim ayaa waxaa ku baratamay dugsiyada dugsiyada sare ee kala ah Xaaji Cali Biixi Gaalkacyo iyo Xaaji salaad Carmo.

Gudoomiyaha guddiga barnaamijka Tartan iyo Tacliim Yuusuf Suudi Cabdi ayaa ku dhawaaqay tartanka.
Dugsiga sare ee Xaaji Salaad Carmo ayaa waxaa la waydiiyay lix su’aal, waxaa uu ka jawaabay afar? ka mid su’aalihii la waydiiyay ,waxaa uu ka faa’iidaystay hal? su’aalood oo uu garan waayay dugsiga Xaaji Cali Biixi Gaalkacyo , sidaasi ayaa waxaa uu ku helay sagaal darajo.

Dugsiga Xaaji Cali Biixi Gaalkacyo lixdii su’aal ee la waydiiyay waxaa uu ka jawaabay? shan su’aal oo uu ku helay toban darajo, kafaa’iidaysi ahaana? waxaa uu u helay laba su’aal oo u dhiganta laba darajo, wadarta guud dugsiga sarre Xaaji Cali Biixi uu helay ayaa noqotay 12 darajo guushiina ay ku raacday.

Habeen dambe ayaa loo balansanyahay barnaamijka inuu u gudbo qaybtiisii labaad
?

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com