Indonesia iyo Somaliya oo ka wada hadlay horumarinta Ganacsiga.

HomeWararka

Indonesia iyo Somaliya oo ka wada hadlay horumarinta Ganacsiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia ayaa ka wada hadlay horumarinta Ganacsiga iyo xiriirka labada dal kaddib kulan ka dhacay Dalkaasi Indonesia. Was

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ka qayb-galay Xuska 8-da Maarso ee Maalinta Haweenka (dhegayso)
WAXSOOSAARKA | MAWDUUCA MAANTA: HORDHACA & MABAADIIDA CILMIGA CIMILADA
Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia ayaa ka wada hadlay horumarinta Ganacsiga iyo xiriirka labada dal kaddib kulan ka dhacay Dalkaasi Indonesia.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Indonesia Retno Marsudi ayaa kulan gaar ah la qaadatay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Retno Marsudi,ayaa sheegtay in inta uu socday Shirka Indonesia iyo Afrika , uu kulan gaar ah la qaadatay wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,kana wada hadleen iskaashiga ganacsiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Retno Marsudi ,waxaa ay sheegtay in xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya iyo Indonesia uu sare u koco sanad kasta 30%,taas oo uu sheegay in ay wali meesheeda ka sii socoto.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: